Piatek Oo ku dhow inuu ka tago kooxda Ac Milan una dhaqaaqo Hertha Berlin

Piatek Oo ku dhow inuu ka tago kooxda Ac Milan una dhaqaaqo Hertha lacag dhan€ 27m (Di Marzio)

Kooxda Hertha Berlin ayaa umuuqata inay u dhaqaaqday sidii ay ku dhameystiri lahayd heshiis ay kula soo saxiixaneyso weeraryahan Krzysztof Piatek oo uga imaanaya kooxda AC Milan.

Si kastaba ha ahaatee, wariyaha Bild Marcel Braune ayaa aaminsan in u dhaqaaqista Piatek ee kooxda Bundesliga inay tahay mid dhawoowi karta, iyadoo weeraryahanka uu ku dhowaanaayo in uu ku biiro kooxda ka dhisan caasimada Jarmalka.

Sida laga soo xigtay wariyaha Gianluca Di Marzio, Piatek ayaa ku sii dhowaanaya inuu ka tago Milan oo uu u dhaqaaqo Hertha Berlin sanad ka hor ayeey ahayd markii uu kaga soo biiray Genoa heshiis 35 milyan euro ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com