Podolski ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu Xiddiga Serge Gnabry uga tagay Arsenal

Weeraryahankii hore ee kooxda Arsenal Lukas Podolski ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu Xiddiga wacdaraha ka dhigaya haatan Bayern Munich ee Serge Gnabry uga tagay Arsenal.

Lukas Podolski ayaa sheegay in ay dhaawacyo sabab u ahaayeen in uu Serge Gnabry ka tago kooxda Arsenal inkasta oo uu haatan ka mid yahay xiddigaha ugu fiican da’yarka yurub.

Xiddiga Gnabry ayaa 4 sano ku qaatay Arsenal intii u dhexaysay 2012 ilaa 2016 laakiin waxa uu kaliya u dhaliyay hal gool 10 kulan oo premier League ah ka hor intii aan laga iibin Werder Bremen.

Si kasta ha ahatee xiddiga 24 jirka ah ayaa haatan noqday xiddiga ugu fiican Bayern Munich iyo Bundesliga isaga oo dhaliyay 11 gool iyo 9 caawin xilli ciyaareedkan.

Lukas Podolski oo la hadlaya Majalada FourFourTwo ayaa yidhi”Waxa uu bilaa nasiib ku ahaa dhaawacyo yar, waxa uu qaban jiray shaqo fiican tababarka
waxa aan wada qaadanay wakhti badan marka aan ka baxsanahay garoomada, waxa aan wada aadi jirnay cashooyinka laakiin mararka qaar kubada ayaa sidaas ah, ama waxa aad helaysaa tababare ku siinaya kalsooni.

Serge waxa uu kubada ku laagi karaa labada lugood, waa xiddig awood leh oo orod badan waxan uu ila mid yahay aniga, run ahaantii waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkiisa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com