Pogba Iyo Real Madrid oo wali hishiis aan gaarin Yaa U Sabab Ah

Wargeyska  France ee L’Équipe ayaa qoray in kooxa Real Madrid  aysan hishiis la gaarin illaa haatan xiddiga Pogba xilli horay  warar sheegayay in uu jiro is fahan .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in sababaha wadahadaladaas u socon la yihiin ay tahay dalabayada maaliyadeed ee xiddiga  xulka France ee Pogba .

L’Équipe ayaa sheegaya a in Pogba uu dalabnayo in sanadkii la siiyo mushaar gaaraya 15 milyan oo euro si uu u ogaalado in Real madrid u soo wareego xagaagaan.

Real madrid ayaa dhankeeda diiday dalabakas waxa ayna ku doodeen in uu yahay mid gees marsan sharciyada maaliyadeed ee mushaaraadka ciyaartooyada ee kooxda u yaal.

Haatan waxa ay Real madrid xooga saarayaan in ay soo xero giliyaan midkood Neymar ama Mbappé kuwaasi oo u ciyaara kooxda PSG xili la xusay in ay ku qasbanaan doonaan inn ay jibiyaan sharciga ay sheegeen in uu kooxda u yaal.