PSG Oo Go’aan Ka Gaartay Waqtiga Ay Iibineyso Neymar & Dagaalka Real Madrid Iyo Barcelona Oo Dib U Bilaabanaya

Markii aad u maleysay inay wax walba soo dhamaadeen ayay sheekada hadana dib u bilbaatay ka dib markii PSG ay go’aan ka gaartay waqtiga ay iibineyso Neymar.

Wararka suuqa ee Neymar ayaa noqday kuwa soo dhamaaday markii uu xirmay suuqa kala iibsiga xagaaga inkastoo si xoogan loola xiriirinayay bishii Agoosto kooxdiisa hore ee Barcelona.

 

Si kastaba, dhowr warbaahin oo kala duwan ayaa sheegaya in Neymar uu mar kale noqon doono hadal-heynta ugu weyn marka uu suuqa kala iisbiga dib u furmo bisha Janaayo.

Majalada caanka ah ee France Football ayaa sheegeysa in Real Madrid ay si dhow u la socoto xaalada Neymar iyagoo doonaya inay dalab ka gudbiyaan haddii PSG ay albaabka u furto heshiis.

Isla majalada ayaa sheegtay in madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez inuu xiriir joogta ah la leeyahay wakiilada xiddiga reer Brazil ee Neymar.

Wargeyska Talyaaniga ee Tuttosport ayaa isna qoray in agaasimaha kooxda Paris Saint-Germain ay dooneyso inay iska iibiso Neymar sida ugu dhaqsiyaha badan oo ah bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga.

Xanta joogta ah ku gaaf wareegsan xiddiga reer Brazil ayaa ah waxa ay dooneyso inay joojiso kooxda Faransiiska, halka sidoo kale ay PSG dooneyso inay ka fogaato inay ceshato xiddig aan dooneynin inuu baaqi ku sii ahaado Parc des Princes taasoo saameyn ku yeelan karta xilli ciyaareedkooda.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Ma Caruur Mise Qof Weyn Waxa Sigaarka Cabaya? Muuqaal Dood Badan Dhaliyay Oo Laga Soo Duubay Horyaalka Turkiga Oo Ugu Danbeyn Jawaab Loo Helay

Inkastoo madaxweynaha Barcelona uu sheegay in kooxdiisa aysan u dhaqaaqi doonin Neymar bisha Janaayo hadana waxaa la filayaa inay saxiixiisa kula dagaalami doonaan Real Madrid haddii PSG ay suuqa soo saarto xiddiga reer Brazil sannadka cusub