PSG Oo Qarka U Saaran In Laga Saaro Tartanka UCL, Sababta Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Majaladda dalka Faransiiska kasoo baxda ee L’Equipe ayaa ku waramaya in xiriirka kubadda cagta Yurub uu ka fekerayo inuu Champions League ka saaro kooxda PSG.

Sababta ayaa la sheegay inay salka ku hayso markii lagu soo oogay naadigaan caasimadda ka dhisan inay ku tumatay sharciga illaalinta nidaamka maaliyadeed.

Kooxda ay leeyihiin maalqabeenadda reer Qatar ayaa wajahaa dacwadahani markii labaad, maadaama kolkii hore ay ahayd sanadkii 2015-kii, markaasi oo uu xukun ku dhacay.

Xukunka wuxuu ahaa inay dhinto dakhligeeda sanadlaha, taasi oo ay yereysay 37%, laakiin soo iibsashada Neymar iyo Mbappe ayaa jawiga qasay.

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa haatan ku fekeraya inuu sidoo kale beegsaday qandaraasyadda maal-gelineeda oo ay haysto PSG, sida laga soo xigtay Jariiradda.

PSG ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto eedaymaha loosoo jeediyay, iyadda oo tibaaxday inay tagi doonto maxkamadda Isboortiga ee CAS.