PSG oo qorshaynaysa in Real Madrid ay u dhigto dabin la mid ah kii ay Barcelona uga qaadatay Neymar -Yeey ka doonaysaa?

Kooxda lacagta badan ee PSG ayaa doonaysa inay u dhigto Real Madrid dabin la mid ah kii ay Neymar uga qaadatay xaggaagii Barcelona

Barnaamijka El Chiringuito ayaa lagu sheegay in PSG ay qasnadeeda u furayso tababare Zinedine Zidane si ay ugu qanciso inuu layliyo kooxda xilicayaareedka dambe maadaama ay iska fasaxayso Unai Emery

Image result for Nasser Al-Khelaifi and zidane

Milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa diyaar u ah in tababare Zidane uu ka dhigo tababaraha ugu mushaarka badan adduunka haddii uu aqbalo dalabkiisa

Tababare Zidane wali wax go’aan ah kama gaarin mustaqbalkiisa Real Madrid, bilowgii xilicayaareed kaan ayaana dhawr jeer la galiyay mugdi inuu sii joogayo kooxda.

Haddii tababare Zidane uu ku guulaysto Champions League xilicayaareed kaan waxay u badan tahay inuu sii ahaado tababaraha Real Madrid laakiin calaamad su’aal ayaa fuuli doonta haddii laga soo reebo kooxda koobka horyaalada yurub

Sida lagu sheegay El Chiringuito, Real Madrid ayaa u dhaqaaqaysa Jose Mourinho ama Jorgen Klopp midkood haddii ay iska fasaxdo tababare Zidane

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com