Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Arsenal Ay Garaacday Stoke

Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette ayaa kala qeybsaday 3-0 oo ay Arsenal uga soo badisay dhigeeda Stoke City kulankii galabta ka dhacay garoonka Emirates ee ku yaala Woqoyga Magaaalda London ee wadanka Ingiriiska.

Labbo kamid ah goolasha ay kala dhaliyeen ciyaartoydaan u kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Gabon ayaa waxay ahaayeen rigoore waxayna kala yimaadeen daqiiqadihii 75aad oo Abu ah iyo waliba 89aad oo Laca uu dhaliyay.

Goolka kale ee caadi ah, kaasoo uu dhaliyay xidigii hore ee kooxda kubada cagta Dortmund ee ka dhisan wadanka Germany, ee Aubameyang ayaa wuxuu shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 86aad ee qeybta labaad, iyadoona uu ahaa mid qurux badan.

Qiimaynta Ciyaartoyda

Arsenal: Ospina (7), Bellerin (7), Mustafi (6), Chambers (6), Monreal (6), Ramsey (8), Elneny (7), Wilshere (7), Ozil (6), Aubameyang (8), Welbeck (6)

Bedalka La Adeegsaday: Lacazette (7), Mkhitaryan (7), Xhaka (6)

Stoke: Butland (7), Bauer (7), Martins Indi (5), Shawcross (6), Johnson (6), Pieters (6), Allen (6), Ndiaye (5), Diouf (6), Shaqiri (7), Sobhi (6)

Bedalka La Adeegsaday: Berahino (6), Crouch (6)

Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa: Ozil

Laacibkaan, kaasoo udhashay Jarmalka ayaa inkastoo uusan dhalin gool, hadana wuxuu kulanku ku laha saameyn wayn, maadaama uu ku lug lahaa labadda gool ee uu dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang – Goolkii rigoorada isagaa lagu galay kan kalena isagaa baasay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com