Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Ay City Daldashay Chelsea – Yaa Noqday Xidiga Garoonka Ugu Fiican?

Manchester City ayaa waxay dheereysatay Liijaankeeda horyaalka Premier League, kadib markii ay Etihad Stadium ay kusoo dal-daleen dhigooda Chelsea, oo difaacaneysa xagaagan tartanka koowaad ee UK, ugu xiisaha badan.

Sky Blues, ayaa waxay ku heshay ciyaartaan guusha 1-0, waxaana goolkeedan uu yimid qeybtii labaad, maadaama qeybta koowaad lagu kala baxay Bareejo goolal la’aan ah, inkastoo ay weeraro helis ay abaabuuleen labada dhinac.

Goolka qura oo ay ciyaartaan heshay Man City, ayaa waxaa daqiiqadii 46aad ee qeybta labaad udhaliyay xidiga lagu magacaabo Bernardo Silva, wuxuuna ahaa goolkiisa mid aanan inaba caadi ahayn.

Sikastaba, guushaan ayaa waxay siisay Man City, inay 78 dhibcood ay ku hogaamiso horyaalka EPL, waxayna ka sareysaa hada Liverpool, oo kaalinta labaad fadhisa, iyadoona leh 60 Buundo.

Qiimaynta Ciyaartoyda

Man City: Ederson (7), Walker (7), Laporte (7), Otamendi (7), Zinchenko (6), Gundogan (6), De Bruyne (7), D Silva (7), B Silva (7), Sane (7), Aguero (7).

Bedalka La Adeegsday: Danilo (6), Jesus (6), Foden (n/a).

Chelsea: Courtois (6), Moses (6), Rudiger (6), Christensen (6), Azpilicueta (6), Alonso (5), Drinkwater (6), Fabregas (5), Willian (6), Pedro (5), Hazard (5).

Bedalka La Adeegsday: Giroud (5), Emerson (5), Morata (n/a).

Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa: Bernardo Silva

Man City 1-0 Chelsea

Laacibkaan reer Portugal, ayaa wuxuu ciyaartaan noqday midkii ugu fiicnaa kadib markii uu dhaliyay goolkii ciyaarta go’aamiyay, islamarkaana dhinac uriday, wuxuuna noqday shumac cusub, kaasoo usoo ifiay Pep iyo Man City

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com