Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Tottenham Dubatay Chelsea

Labo gool oo deg deg ahaa, kuwaasoo kala yimid daqiiqadihii 62aad iyo 66aad ee qeybta labaad ayaa waxay ka saacideen Tottenham inay guul muhiim u ahayd inay kaga soo gaaraan Stamford Bridge dhigooda Chelsea.

Inkastoo, Blues ay goolka ku horeysay, kaasoo uu udhaliyay daqiiqadii 30aad ee qeybta koowaad ciyaaryahan Alvaro Morata, hadana wxaa daqiiqadii 45aad ka bareejeeyay laacibka lagu magacaabo Christian Eriksen.

Sikastaba, guushaan ayaa waxay ka dhigan tahay in rajadii ay Blues ka qabtay inay kasoo qeyb gasho xagaagan tartanka Champions League ay mugdi sii galayso, maadaama ay hada fadhiso Kaalinta Shanaad ayna leedahay 56 dhibcood.

Qiimaynta Ciyaartoyda

Chelsea: Caballero (5), Rudiger (6), Christensen (6), Azpilicueta (7), Moses (4), Kante (7), Fabregas (3), Alonso (6), Willian (6), Morata (6), Hazard (6).

Bedalka La Adeegsaday: Emerson (6), Giroud (6)

Tottenham: Lloris (6), Trippier (7), Vertonghen (7), Sanchez (8), Davies (7), Dier (7), Dembele (7), Lamela (7), Alli (8), Eriksen (8), Son (7)

Bedalka La Adeegsaday: Kane (6), Wanyama (6), Sissoko (6)

Xidigii Ugu Fiicnaa Ciyaarta: Dele Alli

Da’yarkaan reer England ayaa wuxuu goolkiisii Sideed ee xagaagan uu ugu dhaliyo Spurs tartanka EPL-ka, dhanka kale waa goolkiisii 37aad ee EPL uu ka dhaliyo xirfadiisa oo dhan, xili uu saftay kulankiisii 100aad ee Premier League ciyaartii Blues.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com