Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Barca Ay Xaaqday Chelsea – Kumuu Ahaa Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa?

Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega Sideed dhamaadka ee tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Champions League, kadib markii ay Chelsea kusoo daartay Camp Nou, ciyaar kusoo dhamaatay 3-0 xalay oo Arbaco ahayd.

Lionel Messi oo labo gool dhaliyay iyo Osman Dembele, ayay Barca uga mahad-naqeysaa goolasha, waxaana xusid mudan in Leo uu shabaqa ku shubay goolkiisii 100-aad ee Taariikhda tartanka xiisaha badan ee Dhaga-weyne.

Daafaca Chelsea, ee Marcos Alonso ayaa ku dhawaaday inuu ciyaarta 2-1 ka dhigo ka hor inta uusan Messi goolka saddexaad dhalin kadib markii uu birta ku dhuftay Kubad Laad-xur ah ahayd, markaasoo uu wadnaha qabsadeen jamaahiirta Bluagrana.

Qiimaynta Ciyaartoyda

Barcelona: Ter Stegen (6), Roberto (6), Pique (7), Umtiti (8), Alba (6), Rakitic (7), Busquets (7), Iniesta (6), Dembele (7), Suarez (7), Messi (9).

Bedalka La Adeegsaday: Paulinho (6), Andre Gomes (6), Vidal (6).

Chelsea: Courtois (5), Azpilicueta (5), Christensen (6), Rudiger (6), Moses (6), Fabregas (5), Kante (7), Alonso (7), Willian (8), Giroud (7), Hazard (7).

Bedalka La Adeegsaday: Morata (6), Zappacosta (6), Pedro (n/a)

Xidigii Ugu Fiicnaa Garoonka: Lionel Messi

Lionel Messi scored his 100th Champions League goal

Messi ayaa wuxuu dhaliyay kulankaan labo gool, kuwaasoo kala yimid daqiiqadihii 3aad iyo waliba 63aad – Sidoo kale wuxuu caawiyay goolka uu dhaliyey Dembele, taasoo ka dhigan inuu ku lug-yeeshay saddex goo lee laga dhaliyay kulanka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com