Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Dhexmaray Arsenal & Watford – Yaa Noqday Xidiga Garoonka?

Shkodran Mustafi, Pierre Emerick-Aubameyang iyo Henrikh Mkhitaryan ayaa waxay Arsenal ay ka saacideen inay minankooda ay kusoo garaacaan kooxda martida u ahayd ee Watford, kulankii galabta.

Wiilasha Arsena Wenger, ayaa kulankaan waxay soo bandhigeen isku xirnaan fiican, iyagoona inta uu kulanku socday sameeyay Baas badan, waxayna kubada ay haysteen Lixdan Boqolkiiba, halka Watford ay 40% ahayd.

Sikastaba, guushaan ayaa waxay uga dhigan tahay kooxda macalin Arsena Wenger inay kaalinta Lixaad ay kusii jireyso iyadoona leh 48 dhibcood, waxayna ka dambeysaa kooxda Chelsea, oo kaalinta Shanaad fadhisa.

Qiimaynta Ciyaartoyda

Arsenal: Cech (8), Maitland Niles (6), Holding (6), Mustafi (7), Kolasinac (6), Elneny (7), Xhaka (7), Ozil (7), Iwobi (6), Mkhitaryan (7), Aubameyang (7).

Bedalka La Adeegsaday: Chambers (6), Wilshere (6), Welbeck (6).

Watford: Karnezis (7), Femenia (6), Prodl (6), Mariappa (6), Holebas (6), Doucoure (7), Capoue (7), Janmaat (6), Pereyra (7), Richarlison (7), Deeney (6).

Bedalka La Adeegsaday: Britos (6), Hughes (6), Okaka (6).

Xidigii Ugu Fiicnaa Garoonka: Petr Cech

Goolhayaha Arsenal, wuxuu kulankaan badbaadiyay Rigoore, taasoo qeybtii labaad kooxdiisa lagu helay, sidaas darteeda wuxuu ku muteystay inuu noqdo xidigii ciyaarta ugu fiicnaa – sidoo kale wax qabad kale ayuu sameeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com