Qofna la’ima bar-bardhigi karo Cristiano Ronaldo sababtoo ah ma jiraan….

Xiddiga Kooxda kubada cagta ee  Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan “cidna lama barbar dhigi doono” isaga sababtoo ah ma jiraan dad badan oo la tartami kara “hibo” ama “daacad”.

Ronaldo ayaa u soo cayaaray kooxda Sporting CP ka hor inta uusan ku biirin Manchester 2003dii, isagoo ku soo barbaaray mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa kooxda Manchester united ee macalin u ahaa  Sir Alex Ferguson.

Waxa uu ku guuleystay Ballon d’Or markii uu joogay Man United 2008dii, lakiin waxa uu kufaraxsanaa sanadihii ugu fiicnaa ee xirfadiisa kubada cagta ee Real Madrid, isagoo abuuray riyooyin aan caadi aheyn.

Xiddiga reer Portugal uu ku guuleystay wax walba oo uu ku guuleysan karo Los Blancos, halka uu sidoo kale soo qaatay afar Ballons d’Or.

Isagoo ka hadlayay xayeysiis cusub oo lagu magacaabo “Nike”, waxa uu yiri: “Bilawgii, waxaan ku riyoodaa inaan noqdo cayaaryahanka ugu fiican adduunka.

Ma arko dad badan oo leh xirfaddayda, nafsad ahaanteyda, shaqadeyda, anshaxayga, kubada cagta, qofna lama isbar-bar dhigi karo, qofna ma noqon doono Cristiano Ronaldo, waxaad noqon doontaa inaad naftaada noqotid, Waxaan doonayaa inaan noqdo naftayda. ”

Ronaldo kale ma jiro waliba Cayaaryahan aniga oo kale lagama heli karo Koonkan

Ronaldo ayaa dhaliyay 33 gool 34 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, oo uu ku jiro 18 gool oo LaLiga ah, halka uu 14 gool dhaliyay sideedii kulan ee ugu dambeysay

W/Q: Nuuradiin Diinaan

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com