Radamel Falcao Oo Si Adag U Dhaliilay Maamulka Kooxda Atletico Madrid Xili Uu Sharaxay Sababta

Gooldhaliyaha naadiga AS Monaco ee Radamel Falcao ayaa ku dhaliilay maamulka Atletico Madrid inaanu ceshan karin ciyaartoyda muhiimka ah.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu cod dheer ku qeexay in tan iyo markii uu isaga ka tegay kooxda ay lumisay magacyo waawayn, kuwaasi oo muhiim unoqon karay.

Falcao ayaa kooxdiisii hore wajahaya kulan ka tirsan Champions League, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inay wada dheelaan kubad qurux badan.

“Waa dareen aad u xamaasad badan inaan dib ugu laabto halkaasi, waxaana rajaynayaa inaan wada qaadano kulan fiican,” ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

“Iyagu waxay ku guuldareysteen inay ceshadaan ciyaaryahano waawayn tan iyo markii aan aniga baxay…Sidaas darteeda, waxaan ku farax-sanahay inay haatan haystaan xidigo fiican.

“Kooxdu waxay mid awood leh ku noqon kartaa inay hesho xidigo tayo leh…Haatana way haystaan, waxaana urajaynayaa wanaag,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.