Raisulwasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay tartanka Dugsiyada Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

Kulan aad u xiiso badnaa oo ay wada ciyaareen labada koox ee kala ah SONAD oo ah dugsi arday dhagoolayaal ah ay wax ku bartaan iyo Dusiga Sheikh Madar oo ka tirsan dugsiyada Degmada Hodan ku yaala ayaa ka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiinta Degmada Hodan.

Wasiirada Arrimaha Cayaaraha ee dowladda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa goobjoog ahayd kulanka xiisaha badnaa ee u dhexeeyay labada Dugsi ee Sheikh Madar iyo SONAD, ciyaartaan ayaa aad u xiiso badneyd waxaana Raisulwasaaraha uu taageero u ahaa Dugsiga Dhagoolada ee SONAD wuxuuna la cajiibay qaabka ay isku fahmayaan cayaartooyda Dhagoolada iyo sida bani’aadamku isku fahmi karo marka lagu jiro garoon ciyaar ka dheceeyso.

Tartanka ayaa gebi ahaan kusoo idlaaday 3-0 ay guusha ku raacday Kooxda SONAD oo ah ardaydii dhagoolada ee wax ka baraneeysay dugsiga Dhagoolada ee SONAD (Somali National Association of the Deaf) waxaana halkaasi guusha ay ku raacday ardaydii dhagoolada kula mashxaraday Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo dhiiri gelin u sameeyey Ardayda Dhagoolada.

DAAWO SAWIRADA

Somali National Association of the DeafSomali National Association of the Deaf Somali National Association of the Deaf Somali National Association of the Deaf Somali National Association of the Deaf

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com