Ramos Oo Ka Hadlay Rajadooda Champions League Kadib Guushii Ay Xalay Ka Gaaraan PSG

Kabtanka kooxda kubada cagta Real Madrid, ee Sergio Ramos ayaa wuxuu ku sheegay in guushii ay xalay ka gaareen PSG ay cadeyn utahay inay iyaga ay yihiin kuwa ugu cad-cad inay ku guuleystaan Champions League

Los Blancos ayaa waxay kusoo daartay kooxda reer France, wadar ahaan labada lugood 5-2, waxaana ay garaacday labada lugood, iyadoona Ramos, uu sheegayo inay ku farax-san yihin guushaan ay ka gaaraan PSG.

“Waan ogeen in kulankaan uu noo yahay midka ay ku cadeyn karno inaan nahay kuwa ugu cad-cad Champions League,” ayuu ciyaarta kadib usheegay Ramos, warbaahinta, xili uu wareysi kooban siiyay.

“Waxaan run ah in Isbuucaan oo dhan aan ku jiri doono farxad badan, waxaana dib ugu soo laaban doonaa shaqada inagoo dareemeynay raaxo badan,” ayuu hadalkiisa kusii daray daafacaan reer Spain.

“Waxaan rajeynayaa inaan qaadno [koobka] sida aan jecelnahay, laakiin wali waxba ma aysan dhicin,” ayuu sii daba dhigay.

“PSG shaqo fiican ayey qabtaan mana aanan dareemin inta garoonka lagu jiray raaxo badan, wuxuuna ahaa kulan xeelad iyo jir ahaan loogu dagaalamayay,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay kabtan Ramos.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com