Ramos Oo Muxuu Ka Yiri Hadii Ay Markii 3aad Oo Xiriir Ay Ku Guuleysan Karaan Champions League?

Final-ka Champions League ayaa wuxuu dhici doonaa 26-ka bishaan May, waxaana kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos uu yahay rajo fician qaba.

Los Blancos ayaa la dheeleysa Liverpool, kuwaasoo sanad ciyaareed fiican ku jira, waxayna umuuqdaan kuwa labada koox kuwa diyaar garow xoogan ku jira.

Ramos oo ka qeybgalayay munaasabad ay isku soo daba riday Movistar ayaa wuxuu sheegay in tani ay tahay fursad kale oo ay ku muujin karaan inay yihiin Boqorada Yurub.

Wuxuu rajo fiican uu ka muujiyay in markii saddexaad oo xiriir ah ay ku guuleystaan koobka ugu xiisaha iyo xamaasada badan Yurub.

“Waxaan haysanaa fursad aan ku muujin karno inaan ahayn mar kale Boqorada Yurub, waa mid aad macquul u ah,” ayuu yiri.

“Waan ku raaxeysan karnaa mar kale Final-ka, waxaana isku deyi doonaa inaan tani dib usoo celino farxadeena,” ayuu raaciyay.

“Inaan ku guuleysanayo Champions League markii saddexaad oo xiriir ah, waxay taahy riyadeena,” ayuu daba dhigay.

“Waxaan rajeynayaa inaan awoodi doono inaan gurigeen keeno markii saddexaad oo xiriir ah Champions League,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gaba gabeeyay Ramos.