Rasmi: 15-xidig khadka dhexe ee abaal marinta FIFPro iyo FIFA’s World XI u sharaxan oo lagu dhawaaaqay

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay 15-ka cayaaryahan khadka dhexe ka cayaaraan ee u sharaxan abaal marinta FIFPro iyo FIFA’s World XI

Image result for fifa world xi 2018

15-ka cayaaryahan waxaa laga soo dhex xuli doonaa sedexda cayaaryahan ee khadka dhexe kuwooda codadka ugu badan helaan 24-ka bishan xaflada London ka dhici doonto waxayna qayb ka noqon doonaan kooxda aduunka ugu wanaagsan FIFA World XI

Fadlan hoos kaga bogo magacyada 15-ka cayaaryahan ee khadka dhexe ka cayaaraan kuwaas oo u sharaxan abaal marinta FIFA World XI:

Image result for FIF Pro and FIFA World XI

Sergio Busquets – Spain, FC Barcelona
Casemiro – Brazil, Real Madrid CF
Philippe Coutinho – Brazil, Liverpool/FC Barcelona
Kevin De Bruyne – Belgium, Manchester City FC
Eden Hazard – Belgium, Chelsea FC
Andres Iniesta – Spain, FC Barcelona/Vissel Kobe
Isco – Spain, Real Madrid CF
N’Golo Kante – France, Chelsea FC
Toni Kroos – Germany, Real Madrid CF
Nemanja Matic – Serbia, Manchester United FC
Luka Modric – Croatia, Real Madrid CF
Paul Pogba – France, Manchester United FC
Ivan Rakitic – Croatia, FC Barcelona
David Silva – Spain, Manchester City FC
Arturo Vidal – Chile, FC Bayern Munchen/FC Barcelona

Image result for FIF Pro and FIFA World XI

F.G: Kevin De Bruyne, Ivan Rakitic iyo David Silva sanadki hore isla marxaladan ayay soo gaareen balse cod ku filan oo ay kaga mid noqdaan 11-ka xidig ugu wanaagsan dunida ma aysan helin.

Thiago Alcantara, Mesut Ozil iyo Marco Verratti sanadkii hore marxaladan ayay soo gaareen balse sanadkan uma suura galin inay heerkan codeyna ugu dambeyso soo gaaraan.

Andres Iniesta sanadkii 12-aad oo xariir ah ayuu u tartamayaa abaal marinta FIFA XI asigoo 9-sano ka mid ah kasoo muuqday kooxda sanadka weliba sanadkii hore ayuu 11-ka xidig ugu wanaagsanaa ka mid noqday.

Luka Modric iyo Toni Kroos sanadkii hore codadka ugu badan ayay heleen ayagoo kooxda aduunka ka mid noqdeen hadaba sanadkan kooxda aduunka maku soo laaban doonaan?