RASMI: Arsenal oo ku dhawaaqday inay shaqada ka ceyrisay Macalin Unai Emery

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah shaqada uga ceyrisay macallinka dalka Spain ee Unai Emery, sababa la xiriira natiijooyinka xun ay kooxda la kulantay xilliyadii lasoo dhaafay

Tababare Unia Emery ayaa isaga tagay shaqada kooxda Arsenal kadib markii ay kooxdu ku bilaabatay sidii ugu xumayd taariikhdeeda.

Go,aanka maamulka Gunners ayaa yimid kadib guuldaradii kooxda arsenal ka soo gaartay Europa League kaas oo ay kala kulmeen kooxda Eintracht Frankfurt

Kooxda Arsenal oo warbixin ka soo saartay shaqo ka cayrinta tababaraha ayaa u qornayd” Waxa aan ku dhawaaqaynaa in aan kala tagnay tababaraha kooxda ee Unai Emery iyo waliba shaqaalohiisa tababar”.

“Waxa aan shaqada si ku meel gaadh ah ugu dhiibnay Freddie Ljungberg kaas oo hogaamin doona kooxda wakhtiga soo socda”

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com