RASMI: AS Monaco Oo Shaqada Ka Cayrisay Tababaraheeda Thierry Henry

AS Monaco ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay shaqada ka ceyrisay Thierry Henry, isla markaana ay dib u soo celisay Tababarihii hore ee Leonardo Jardim.

Tababare Leonardo Jardim ayaa saxiixay heshiis laba sano ah, wuxuuna si toos ah tababarka u bilaabi doonaa Axada soo aadan.

War rasmi ah ee kasoo baxay naadiga as Monaco ayaa lagu sheegay:

“Go’aanka lagu ceyriyay Leonardo Jardim waa wax laga soo tagay, wuxuu ahaa mid ka mid ah tababarayaasha taariikhda ka sameeyay AS Monaco, maantana waan ku faraxsanahay inaan sheegno in sheekada aysan wali dhamaanin”

Macalinkii horey kooxda Monaco ee Thierry Henry ayaa wuxuu guul dareystay 11 kulan, 20 kulan uu leeliyay kooxda dalka France tan iyo markii uu shaqada kala wareegay Leonardo Jardim, wuxuu guul gaaray 4 kulan oo kaliya, xili sidoo kale ay barbaro galeen 5 kulan.