RASMI: Barca Oo Ka Hadashay Dhaawaca Basquets, Hadii Uu Culus Yahay + Inta Uu Maqnaan Doono

Kooxda kubada cagta Barcelona, ayaa waxay warbixin caafimaad ay kasoo saartay dhaawacii kulankii xalay ee Chelsea, soo gaaray ciyaaryahan Sergio Busquets.

Laacibkaan ayaa wuxuu dhaawacmay daqiiqadii 60aad ee qeybta labaad ee kulankaas, waxaana lagu bedalay ciyaaryahanka lagu magacaabo André Gomes.

War kasoo baxay Barcelona ayaa waxaa lagu sheegay in laacibkaan ay dhibaato kasoo gaartay lugta midig, gaara ahaan Jilibka.

Waxay kaloo daboolka ka qaaday Barcelona inuu Basquets, uu garoomada ka maqnaan doono ku dhawaad Saddex Isbuuc, islamarkaana baaritaano kale, lagu sameyn doono.

Sergio Busquets was injured in Barça's game against Chelsea.

Sergio Busquets ayaa wuxuu Barcelona uyahay ciyaaryahan muhiim ah, wuxuuna inta badan uu kusoo bilowdaa safka koowaad, isagoona xili ciyaareedkan oo dhan garoonka usoo galay 41 kulan, wuxuuna dhaliyay goolal aan tiro badneen.

Dhaawacaan soo gaaray iyo maqnaanshihiisa ayaa waxay ka dhigan tahay inay dhibaato ku tahay Barcelona, maadaama uu Laf-dhabar uyahay, inkastoo bedalkiisa la heli karo.

Maalmo ka hor ayey ahayd kadib markii dhaawac uu kasoo laabtay Andres Iniesta, kaasoo Muruqa ka dhibtoonayay, wuxuuna laacibkaan hadda yahay mid taam ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com