RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday In Yerry Mina Iyo Andre Gomez Ay Ka Iibisay Koox Ka Dheesha Premier League

Yerry Mina ayaa wuxuu u wareegi doonaa naadiga dalka Ingiriiska ka dhisan ee Everton, sida ay ku dhawaaqday naadiga kubadda cagta Barcelona.

Mina ayaa waxay sheegeysaa Majaladda Sport in lagu iibsaday aduun dhan 36 milyan oo Yuuroo, taasoo ka dhigan inay macaash badan sameysay Barca.

Talaabadaan ayaa soo dedejisay markii ay Barcelona lasoo wareegtay Clement Lenglet, kaasoo daafaca kasoo yeeray.

Laacibkaan ayaa bandhig qurux badan ka sameeyay koobkii aduunka 2018, laakiin wuxuusan heli doonin dookha koowaad ee Barca.

Saacadaha soo aadan ayaa filayaa inuu kasoo laabto laacibkaan dhanka Damaashaadka oo uu hadda ku maqan yahay, si uu ugu duulo dalka Ingiriiska.

Dhanka kale, Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in ciyaartoyda kale ee Andre Gomez uu isaga si rasmi ah ugu wareegay Everton oo si xoogan loola xiriirinayay.

Sikastaba, tani ayaa ka dhigan in saxiixa Mina lagu garaacay naadiga Manchester United oo aanan cilaaqaad fiican kala dhaxayn kooxda Barcelona.