RASMI: Cabdulaahi Cali Bile ayaa xaqiijiyay inuu iskaga tagay kooxda kubadda cagta Dekedda Fc

Xidiga lagu magaacbo Cabdulaahi Cali Bile ayaa xaqiijiyay inuu iskaga tagay kooxda kubadda cagta Dekedda Fc.

Cabdulaahi Cali Bile ayaa kamid ahaa xidigaha ugu muhiimsan kooxda Dekedda isago kula guuleystay Labadii sano ee la soo dhaafay horyaalka Somali Premier League.

Laacibkan weerarka ka cayaara ayaa kooxda Dekedda ku sugna mudo afar sano ah isagoo ahaa kabtanka labaad ee Naadiga Dekedda.

Ma cadda sababta laacibkaan uu kaga dhaqaaqay kooxda difaacaneesa Horyaalka Soomaaliya, waxaana la warinayaa in lala xiriirinayo kooxo dhowr ah.

Kooxda Horseed ayaa ah naadiga sida weyn loola xiriirinayo kabtan xigeenkii kooxda dekadda taas oo suurta gal ka dhigi kareysa inuu la midoobo macallinkiisii hore ee Cabdi Joon.

Waxaan Xaqiijinaya inaan iskaga tagay kooxda Dekedda oo aan mudo dheer aan ku sugna, waxaa la soo qaatay waqti aad u qurux badan, waxaan ku lahaa saxiibo aad ii jacel basle waqtigeyga kooxda ayaa soo dhamaaday.