RASMI: Cabdulaahi Cali Bile Oo Ku Biiray kooxda Horseed

Xidigii hore kooxda kubadda cagta Dekedda Cabdulaahi Cali Bile ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Cawo iyo Maalin ee Horseed.

Cabdulaahi Cali Bile ayaa kamid ahaa xidigaha ugu muhiimsan kooxda Dekedda isago kula guuleystay Labadii sano ee la soo dhaafay horyaalka Somali Premier League.

Laacibkan weerarka ka cayaara ayaa kooxda Dekedda ku sugna mudo afar sano ah isagoo ahaa kabtanka labaad ee Naadiga Dekedda.

Cayaaryahankan ayaa la midoobay macalinkiise hore Cabdijoon kaa oo majaraha u haayo Kooxda Horseed.

Ilaa hada lama oga xidigan lambarka uu u qaadan doono kooxda iyo inta sano uu qandaraaska ugu duugay naadiga.

W/Q:Cabdifitaax Nani