RASMI: Eriksen Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya kooxda Inter Milan

Xiddiga qadka dhaxe  Tottenham Hotspur ee Christian Eriksen ayaa u duuli doona magaalada Milan si uu tijaabada caafimaaadka ugu maro kooxda Inter Milan kadib markii ay labada kooxood ka heshiiyeen saxiixa xiddiga oo ku kaci doona 20 milyan oo euro.

Xiddiga xulka  Denmark oo noqon doona 28 jir bisha dambe ayaa noqon doona saxiixii ugu dambeeyay ee kooxda Macalin  Antonio Conte kadib Ashley Young & Victor Moses.

Xiddiga ayaa u duuli doona Milan maanta si uu isla maanta tijaabada caafimaadka ugu maro kooxdiisa cusub ee Inte Milan Eriksen ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 4 sano ah oo uu sanadkii mushahar ahaan ugu qaadan doono lacag dhan 8 milyan oo euro iyo waliba guno Waxa intaas sii dheer in ay kooxda Tottenham la ciyaari doonto Inter kulan saaxiibtinimo ah oo ka dhici doona San Siro iyaga oo heli doona lacagta ka soo baxdo kulankaas hal milyan oo ka mid ah.

Image result for eriksen inter milan

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com