RASMI: Goolhaye Petr Cech Oo Ku Biiray Koox Ciyaarta Hockey-da Iyo Sababta ugu Biiray

Goolhayihii kooxaha Arsenal iyo Chelsea ee Petr Cech ayaa aduunka ka yaabsaday kadib markii uu badalay kubbada cagta uu magac wayn ku soo sameeyay wuxuuna ku biiray koox dalka Ingiriiska ka dhisan oo ciyaarta Hockey-da.

Petr Cech ayaa shaaciyay in uu ku biiray ciyaarta hockey-da oo uu jeclaa daawashadeeda inkasta oo uu muddo dheer ku soo dhex jiray kubbada cagta oo uu koobab badan ugu soo guulaystay.

Goolhaye Petr Cech waxa uu si rasmi ah ugu biiray kooxda  Guildford Phoenix NIHL ee ciyaarta Hockey isaga oo qiray in ay tahay ciyaar uu aad u jeclaa daawashadeeda.

Kadib markii uu ku biiray kooxda dalka england  ee Guildford Phoenix NIHL ayuu Petr Cech dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yiri“Kadib l20 sanadood oo xirfada kubbada cagta ah waxay tani aniga ii noqon doontaa khibrad layaableh in aan ciyaaro ciyaartii aan jeclaa daawashadeeda markii aan caruurta ahaa”.

Petr Cech ayaa cadeeyay in carruurnimadiisii uu jeclaa daawashada ciyaarta Hockey ee uu hadda ugu biiray kooxda Guildford Phoenix NIHL taas oo ka dhigaysa mid gabi ahaanba badalay xirfadii uu hore ugu soo shaqaysan jiray.

Inkasta oo ayna ciyaarta Hockey-du haysan taageerayaal ama xamaasad la mid ah kubbada cagta, haddana Petr Cech ayaa farxad ka muujiyay in uu fursad u helay in uu ka ciyaaro Hockey-da oo uu daawashadeeda jeclaa markii uu wiilka yar ahaa.

Petr Cech ayaa muddo 20 sanadood ah waxa uu soo ahaa xirfadleh goolhaye nimo ku soo shaqaystay isla markaana magac wayn ku soo sameeyay balse hadda waxa uu bilaabanayaa xirfadiisa cusub ee Hockey-da isaga oo u saxiixay kooxda Guildford Phoenix NIHL.

Image result for Petr Cech

Image result for Petr Cech