RASMI: Hay’adda FIFA Oo Ku Dhawaaqday Dalalka Marti Gelinaya Koobka Aduunka 2026

Hay’adda kubada cagta aduunka maamusha ee loosoo gaabiyo FIFA, gaara ahaan Guddiga uqaabilsan inay soo xulaan dalalka marti gelin doona Koobka Aduunka ayaa soo ucodeeyay dalalka marti gelinaya dhacadada ugu wayn cayaaraha ee 2026-ka.

Guddiga ayaa waxay ucodeeyeen inay si wadajir u marti geliyaan Koobka Aduunka ee sanadkaas, dalalka kala ah, Mareykanka, Canada iyo Mexico, iyagana ayaa kuwii horyaala kala doortaan Guddiga.

Tani waxay ka dhigan tahay in dib loo arkayo iyadoo dalal kala duwan lagu qabanayo ama marti gelinaya Koobka Aduunka, taasoo sanadihii ugu dambeeyay aanan la arkin.

Koobka Aduunka oo afartii sano hal mar la qabto ayaa waxaa sanadkaan marti geliyana dalka Ruushka, iyadoona sanadka 2022-ka lagu qabanayo dalka Qadar, oo horey loogu codeeyay.

Sanadkii 2014-ka oo lagu qabtay dalka Brazil ayaa waxaa ku guuleystay Jarmalka, kuwaasoo sanadkaan ah kuwa difaacanaya, loona aqoonsan yahay inay yihiin xulka ugu wanagasan caalamka.

Marka laga soo tago in dalka marti geliya Koobka Aduunka inuu helayo sharaf badan, hadana waxaa ku hareerysan dhaqaalo badan, taasoo kasoo xarooreysan ka qeybgalayaasha Koobka.

Mareykanka ayaa wuxuu ku hun-goobay inuu marti-geliyo Koobka Aduunka sanadkaan 2018-ka, taasoo uu uga guuleystay markii loo codeynayay Ruushka, balse, hada ayuu helay labinta.

Afar sano kadib oo ah sanadka 2022-ka, waxaa Koobka Aduunka lagu qabanayaa wadanka Qadar, kaasoo hadda ku jira diyaar-garow wayn, iyadoona sanadka kusii xiga ee 2026 uu yahay, Mareykanka, Canada iyo Mexico.