RASMI: Isku Aadka Wareega 8 Champions League Oo La Sameeyay & Kooxo Waa Weyn Oo Isku Beegmaday

Kadib xaflad si heer sarre ah loosoo qaban qaabiyey, oo ka dhacday xarunta xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA, ayaa waxaa lagu sameeyay isku aadka wareega Sideed dhamaadka tartanka xiisaha leh ee Champions League.

Xafladda lagu sameynayay isku aadka ayaa waxaa lagu casuumay marti sharaf aad ubadan, kuwaasoo isugu jira ciyaaryahano hore, macaliniin hore iyo waliba shaqsiyaad kale, kuwaasoo loo gartay inay uqalmaan kasoo muuqashada Xafladaan.

Sidoo kale, waxaa goob-joog ahaan xafladda wakiilo ka socday kooxihii isku aadka loo sameeyay, kuwaasoo ka koobnaa Sideeda, islamarkaaan ka kala dhisan ama ka kala dheela Shanta horyaal ee ugu waa weyn Qaaradda Yurub.

Isku aadka ayaa waxaa si wada jir ah usameeyay Xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ninka lagu magacaabo Giorgio Marchetti iyo ciyaaryahankii hore ee AC Milan iyo waliba kooxo kale, oo Yurub caan ka ah, Andriy Shevchenko.

Hoos Ka Arag Isku Aadka Oo Dhameystiran:

Barcelona v Roma

Sevilla v Bayern Munich

Juventus v Real Madrid

Liverpool v Manchester City

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com