RASMI: Isku Aadka Wareega 8 Europa League Oo La Shaaciyey Xili Kooxo Waa Weyn Oo Isku Isku Dhaceen

Kadib xaflad si heer sarre ah loosoo qaban qaabiyey, oo ka dhacday xarunta xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA, ayaa waxaa lagu sameeyay isku aadka wareega Sideed dhamaadka tartanka xiisaha leh ee Europa League

Xafladda lagu sameynayay isku aadka ayaa waxaa lagu casuumay marti sharaf aad ubadan, kuwaasoo isugu jira ciyaaryahano hore, macaliniin hore iyo waliba shaqsiyaad kale, kuwaasoo loo gartay inay uqalmaan kasoo muuqashada Xafladaan.

Sidoo kale, waxaa goob-joog ahaan xafladda wakiilo ka socday kooxihii isku aadka loo sameeyay, kuwaasoo ka koobnaa Sideeda, islamarkaaan ka kala dhisan ama ka kala dheela Shanta horyaal ee ugu waa weyn Qaaradda Yurub.

expanded thumbnail

Isku aadka ayaa waxaa si wada jir ah usameeyay ku xigeenka Xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ninka lagu magacaabo Giorgio Marchetti iyo ciyaaryahankii hore ee Barcelona, ahna safiirka UEFA iyo waliba kooxo kale, oo Yurub caan ka ah, Eric Abidal.

Hoos Ka Arag Isku Aadka Oo Dhameystiran:

  • RB Leipzig v Marseille
  • Arsenal v CSKA Moscow
  • Atletico Madrid v Sporting Lisbon
  • Lazio v Salzburg
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com