RASMI: Kabtan Iniesta Oo Shaaciyay Waqtiga Uu Ka Fariisanayo Cayaaraha Caalamiga Ah

Koobka aduunka ee 2018, ayaa wuxuu noqon doonaa markii ugu dambeysay ee uu Andres Iniesta udheelo xulka qaranka kubada cagta ee Spain.

Laacibkaan khadka dhexe ka dheela ayaa wuxuu noqonayaa 34 sano jir, marka uu koobka ka qeybgalao, isagoona qiray in uu sii tirsan doono inta laga gaarayo.

“Koobka aduunka waxay noqon doontaa mid macquul ah inay tahay markeedii ugu dambeysay ee aan kasoo muuqdo xulkayga,” ayuu usheegay Idacaadda Cadena SER.

“Ma doonayo inaan agagaarkaas ka dhawaado, maxaa yeelay shaqsiga aan aniga ahay,” ayuu Iniesta kusii daray hadalkiisa.

“Waxaan rajeynayaa in macsalaameynta igaaga timaadda waajibaadkeyga Spain ay noqon doono wax wanaagsan.

“Waxaan rajeynayaa in kulankeygii ugu dambeeyay uu noqdo Final-ka Koobka aduunka,” ayuu sii daba dhigay kabtanka Barcelona.

Ugu dambeyn, Iniesta ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in wadanka ugu dambeeya ee uu ka horjeedo ama uu ka hor yimaado uu jeclaan lahaa inuu noqdo wadanka Argentina, kaasoo uu udheelo Lionel Messi, oo ay isku wadan yihiin.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com