RASMI: Kabtanka Joogtadda Ah Ee Barcelona Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Saddexdiisa Ku Xigeen

Barcelona ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday in Lionel Messi uu yahay kabtanka joogtada ee camaaliqada dalka Spain.

Talaabadaan ayaa ka dambeysay markii uu kooxda isaga tegay Andres Iniesta oo soo gabagabeeyay muddo uu Camp Nou ku sugnaa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Barcelona ayaa lagu xaqiijiyay in sidoo kale, Gerard Pique, Sergio Basquets iyo Sergi Roberto ay yihiin saddex ku xigeen.

Pique iyo Basquets ayaa waxay wadaagi doonan doorka ku xigeenka kabtanka labaad ee kooxda halka Roberto uu haysto kan saddexaad.

Barcelona ayaa hadda isku diyaarinta Final-ka Spanish Super Cup oo ay la balansan yihiin Sevilla Sabtida.

Taageerayaasha Bluagrana ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqistaan, inkasta oo ay jireen kuwa la yaabay sida wax udhaceen.

Kuwa naqdinaya shaacinta ayaa ku doodaya in laga dhex-wayaay Ivan Rakitic, Marc-Andre ter Stegen iyo Jordi Alba, oo door hogaamineed lahaa.

Sikastaba, Tani waxay ka dhigan tahay in Barcelona uu unoqonayo sandihii udambeeyay ciyaar kasoo qalin jabiyay xeradda La Masia, taasoo inta badan ciyaartoyda Barca kasoo qalin jabiyaan.