RASMI: Kooxda Inter Milan Oo Xaqiijisay Saxiixa Xiddiga Valentino Lazaro

Kooxda Inter Milan ayaa ku dhawaaqday saxiixeedii 2-aad kadib markii ay xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Hertha Berlin ee Valentino Lazaro.

Inter Milan ayaa bogeeda Internet-ka ku xaqiijisay in uu Valentino Lazaro qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

Inter Milan ayaa ka soo bixisay lacag dhan 21 milyan oo euro iyo lacag guno ah xiddiga 23 jirkan kaas oo mushahar u qaadan doona lacag dhan 1.5 milyan euro sanadkii.

Xiddiga ayaa ciyaaray in ka badan 200 oo kulan oo xirfadiisa ciyaareed ah isaga oo u soo kala ciyaaray kooxaha Red Bull Salzburg & Hertha.

Xiddiga ayaa ka ciyaari kara boos walba oo weerarka ah isaga oo xulka qarankiisa Austria u ciyaaray 19 kulan.

Lazaro ayaa noqday saxiixii 2-aad ee kooxda Inter Milan ay samaysay xagaagan kadib markii ay saaka ku dhawaaqday saxiixa daafaca Diego Godin.