RASMI: Leo Messi Oo Ku Guuleystay Xidigii Ugu Fiicnaa Kulamadii Isbuucaan Laga Dheelay CL

Xidiga kooxda kubada cagta Barcelona, ee Lionel Messi, ayaa waxaa lagu abaal-mariyay inuu noqday midkii ugu fiicnaa kulamadii isbuucaan laga dheelay lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka xiisaha leh ee Champions League.

Messi, ayaa wuxuu dhaliyay labo gool kulankii ay Barcelona, soo kusoo dar-dartay garoonkeeda Camp Nou, markaasoo uu kulankooda kusoo dhamaaday 3-0 – Osman Dembele, oo Blaugrana udheela ayaa goolka labaad saxiixay.

Labadaas gool ee uu dhaliyay laacibka lamberka 10-aad uqaata Barca, ayaa waxay ubuuxisay tiradda 100-leyda goolasha ee uu ka dhaliyay tartanka Champions League, islamarkaana uu ku biiray liiska xidigaha diiwaanka loogu qoray Dhaga-weyne.

Lionel Messi, ayaa wuxuu ku garaacay qiimeynta ciyaaryahano ilaa iyo saddex gaaraya, kuwaasoo kala ah: Džeko [AS Roma ayuu udheelaa], Ben Yedder [Sevilla ayuu ka tirsan yahay] iyo Müller [Bayern Munich ayuu kabtan uyahay].

Siakstaba, sida la aaminsan yahay Leo Messi ayaa wuxuu ku muteystay inuu ku guuleysto Abaal-gudkaan kadib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyey guul weyn, islamarkaana uu kala diray daafacyadda Los Blancos, markaasoo uu goolal uu dhaliyay uuna caawiyay mid kale.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com