RASMI: Liiska 8-da Koox Ee Xaqiijisay Inay Usoo Baxeen Wareega Sideed Dhamaadka CL Oo Dhameystiran

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay Sideeda koox ee usoo gudubtay wareega Sideed dhamaadka ee tartanka Champions League, kuwaasoo loo sameyn doono maalinta Jimcaha ah ee Isbuucaan qori-tuurka wareegaan ama Isku aadka.

Kooxahaan usoo baxay wareegaan ayaa waxay kala yihiin: Real Madrid [Spain], Man City [England], Bayern Munich [Germany], Liverpool [England], Barcelona [Spain], Juventus [Talyaaniga], Sevilla [Spain] iyo AS Roma [Talyaaniga].

Saddex kamid ah kooxahaan ayaa waxay kasoo jeedaan ama ay metalayaan wadanka Spain, halka Talyaaniga uu ku leeyahay wareegaan Labo koox, sidoo kale wadanka Ingiriiska ayaa ku  leh Labo koox, halka wadanka Jarmalka uu hal koox ku leeyahay.

Hadaan dib umilicsano, Real Madrid, ayaa waxay kasoo talaabsatay PSG, kadib markii ay soo dar-dareen labada lugood – Man City ayaa soo kasoo talaabsatay FC Basel, Liverpool oo Porto ah, Juventus oo Tottenham ah waliba Barcelona oo Chelsea soo reebtay.

Waxaa muuqata in wareega Sideed dhamaadka ay iskugu soo baxeen kooxo waa weyn, islamarkaana ay noqon doonto sheekadu mid aanan sahal noqon doonin, iyadoona isku aad adag uu kasoo bixi doono wareegaan ama kulamo waa weyn.

Waxaa macquul ah inay isku dhacaan labo koox oo isku dal kasoo wada jeeda – tusaale ahaan Barcelona vs Sevilla ama Real Madrid vs Sevilla, maadaama kooxaha kale ay yihiin kuwa min labo ah, halka wadanka Spain uu saddex koox ku leeyahay.

Sikastaba, isku aadka ayaa ayaa waxaa la sameyn doonaa maalinta Jimcaha ah ee Isbuucaan, hadii uu ALLE raali ka noqdo, waxana idin kugu soo gudbin doonaa warbixino kale, oo ku saabsan Isku aadka wararkeena ama warbixinadeena kale ee soo socda.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com