RASMI: Liiska Hor Dhaca Ah Ee Cayaartoyda Germany U Meteleysa Koobka Adduunka Oo Lagu Dhawaaqay

Macalinka xulka Germany Joachim Löw ayaa shaaca ka qaaday 27 cayaartoy oo u mataleysa koob adduunka ee Russia ka furmi doona bisha soo aadan iyadoo wajiya cusub ay qeyb ka noqdeen safka qaranka

Löw ayaa xulka ugu yeeray goolhayaha Manuel Neuer, kasoo in badan dhaawac ahaa xili cayaareedkan, sido kale Marco Reus, oo isna dhaawac kasoo laabtay intii lagu guda jiray xagaaga 2017-2018, halka uu isna boos helay weeraryahan Mario Gómez kasoo xagaa fiicank u qaatay naadiga Stuttgart

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Emre Can iyo xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Mario Gotze ayaa laga saaray liiska hordhaca ah ee xulka qaranka Germany ee koobka adduunka Russia 2018

Mario Götze kaa oo ahaa dhaliyihii goolka guusha ay koobka ku hanteen afar sano ka hor oo ay wehliyaan Shkodran Mustafi, Lars Stindl iyo xiddiga Bayern Munich Sandro Wagner, kasoo shan gool dhaliyay kulamadii isreeb-reebka koobka adduunka.

ugu dambeyn Macalinka ayaa rasmi u magacaabi doona 23 cayaartoy ee matali doonta koobka adduunka :

Halkan Hoose Kaga bogo Liiska uu tababaraha Germany soo xushay:

Image may contain: text