RASMI: Liiska Xidigaha Barca Metaleysa Kulanka Chelsea Ee CL Oo Lasoo Saaray & Iniesta Oo Ku Jira

Tababaraha kooxda kubada cagta Barcelona, ee Ernesto Valverde, ayaa wuxuu soo saaray liiska ciyaartoyda ku metaleysa naadigiisa ciyaarta adag, taasoo ay ka horjeedaan dhigooda wadanka Ingiriiska kasoo safartay ee Chelsea.

Kulanka labadaan kooxood, oo ka dhici doona habeenka Arbacada Qalcadda caanka ah ee Camp Nou, ayaa waxay ka tirsan tahay lugta labaad ee wareega 16-ka koobka xiisaha leh ee Champions League, waan dheel uu qof walba sugayo.

Lugtii koowaad ayaa waxay kusoo kala baxeen labadda dhinac bareejo 1-1 ah, mana jirin koox dhinaceeda dhulka lasoo taabsiiyay ama laga soo badiyey, laakiin Camp Nou ayay ubadan tahay in labada koox ay midkood la garaaci doono.

Valverde oo sheekadaan ka duulaya ayaa wuxuu usoo doortay inay uga qeyb-galaan Bluagrana liis ciyaaryahano ah, kuwaasoo ay kasoo dhex-muuqdeen qaar kamid ah xidigaha qiimeynta fiican ku leh naadiga, islamarkaana Hal-door ama Laf-dhabar u ah.

Andres Iniesta, oo shaki badan laga gelinayay in uusan dheeli dooni kadib dhaawacii soo gaadhay ayaa liiska kasoo muuqday, waxaana kabtanka Barca dhibaato dhanka Muruqa ah ay kasoo gaartay kulankii La Liga ka tirsanaa, kaasoo ay 1-0 kusoo xaaqeen Atletico Madrid.

Liiska uu soo magacaabay hogaamiyaha camaaliqada horyaalka La Liga, ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday Lionel Messi, Luis Suarez, Gerard Pique, Dembele, Sergio Basquets iyo ciyaartooy kale, kuwaasoo kooxda muhiim u ah.

Hoos Ka Arag Liiska Xidigaha Barca Oo Dhameystiran:

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com