RASMI: Matthijs de Ligt oo ka gudbay tijaabadii caafimaad ee uu u maray kooxda Juventus… + SAWIRRO

Ciyaaryahan Matthijs de Ligt ayaa ka gudbay tijaabada caafimaad ee uu u maray kooxda Juventus kaddib markii uu xalay soo gaaray Magaalada Turun.

Difaacan reer Holland ayaa ka soo dagay xalay garoonka diyaaradaha Caselle Airport ee magaalada Turin, kaddib markii uu diyaarad gaar ah ka soo qaatay Magaalada Amsterdam.

Sida xogta lagu hayo xiddigan ayaa kooxda Juventus uga soo wareegay naadiga Ajax adduun dhan 75 milyan oo euro.

Maanta oo Arbaco ah ayuu Matthijs de Ligt tijaabada caafimaad ku maray xarunta J-Centre ee Magaalada Turin, waxaana kooxda Marwada duqda ah ay shaacisay inuu ka gudbay tijaabada caafimaad ee ay marsiiyeen.

Difaacan oo 20-sano jirsan doona bisha soo socota ayaa ku qaatay xirfaddiisii oo dhan isagoo soo maraya akadeemiyadda kala duwan ee kooxda Ajax.

Bishii April sanadkan 2019 ayuu Matthijs De Ligt  ka reebay Juve tartanka Champions League, waxaana ay la soo wareegtay bishan July 2019