RASMI: Real Oo Shaacisay In Achraf Hakimi Uu Si Amaah Ah Ugu Biirayo Dortmund – Imisa Sano?

Borussia Dortmund ayaa waxay dhameystirtay saxiixa ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco ee Achraf Hakimi, kaasoo ay qaab amaah ah ugala soo wareegeen Real Madrid.

19-sano jirkaan daafaca dambeedka buuxa ka dheela ayaa wuxuu Dortmund ugu soo biiray Labo sanooo amaah ah, oo uu la qaadan doono maamulaha kooxda reer Germany ee Lucien Favre.

Wiilkaan ayaa wuxuu kamid ahaa safkii xulka Morocco ku metalayay koobka aduunka 2018, isagoona kusoo bilawday dhamaan saddexda kulan oo ay ka dheeleen heerka Group-yadda oo ay kusoo hareen.

Xidigaan ayaa wuxuu yahay mid aan ugu wanaagsan weerarka, iyo daafaca, waxaana uu soo shaac-baxay fasal ciyaareedkii hore, markaasoo uu Madrid maamule u ahaa Zinedine Zidane.

Wuxuu dhaliyay Labo gool, Sagaal kulan oo uu tartamadda oo dhan ugu soo bilowday, oo uu ku jiro midka ay Champions League ku wajaheen naadiga reer England ee Tottenham Hotspur.

Wuxuu ku dhashay Magaaladda Madrid, laakiin qoyskiisa ayaa waxay kasoo jeedaan dalka Morocco, isagoona ku barbaaray Yurub.

Kulankiisii ugu horeeyay wuxuu usaftay dalkiisa sanadkii 2016-kii, markaasoo uu ahaa mid aad u da’yar.

“Achraf Hakimi waa mid aad u da’yar, waa daafac dhameystiran, kaasoo udheeli kara heerka ugu wanaagsan,” ayuu yiri Michael Zorc oo ah Agaasimaha dhanka cayaaraha ee kooxda BVB.

Waa ciyaaryahankii labaad oo wax ka yar 24 saacadood gudaheeda uga dhawaaqay naadiga kubada cagta Real Madrid, kadib Crististiano Ronaldo, kaasoo ku biiray naadiga Juventus ee wadanka Talyaaniga.