RASMI: Roma Oo Xaqiijisay In Ay Tababare U Magacday Claudio Ranier

Kooxda Roma ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay  macalin u noqday  Claudio Ranieri kaas oo ahaan doona tababaraha kooxda ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Claudio Ranieri ayaa kooxda Roma ku soo laabtay kadib markii uu horay kooxda u hogaamiyay xilli ciyaareedkii 2009-10 isaga oo 2 koob kula guulaysan gaadhay.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan xaqiijino in uu Claudio Ranieri ku soo laabtay kooxda Roma ”ayuu yiri madaxweynaha kooxda ee James Pallotta.

67 jirka ayaa khibrad fiican u leh horyaalka Serie A-da isaga oo ka soo shaqeeyay kooxda Juventus, Inter, Napoli, Fiorentina, Cagliari.

Ranieri ayaa kulankiisa ugu horeeya hogaamin doona kulanka ay Roma marti galin doonto kooxda Empoli Isniinta kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da.

Image result for Ranieri roma

Image result for Ranieri roma