RASMI: Ronaldo Oo Xidigo Waa Weyn Ku Garaacay Bilada Xidigii Ugu Fiican Sanadkii 2017 Dalkiisa Portugal

Xidiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa la gudoonsiiyay abaalmarinta xidigihii ugu fiicnaa sanadkii 2017, dalka Portugal oo uu wiilkaan kasoo jeeda.

Ronaldo ayaa wuxuu ku muteystay abaalmarintaan kadib markii uu sanadkaas uqaaday kooxdiisa koobab badan oo ay kamid yihiin Champions League iyo La Liga.

Sidoo kale, Ronaldo ayaa wuxuu dalkiisa usuura geliyay inuu ku guuleysto koobka xulalka qaarada Yurub, ee loo yaqaan Euro 2017.

Xafladda lagu gudoonsiinayay abaalmarintaan oo lagu qabtay wadankiisa ayaa waxaa ku wehlineysay saaxiibadiisa Georgina Rodriguez iyo walkiisa Jorge Mendes.

Isagoo ka hadlayay sida uu arko in lagu abaalmariyay Biladaan ayaa wuxuu sheegay inuu aad ugu farax-san yahay, islamarkaana uu uma mahadcelinayo qof walba oo ka caawiyey

“Aad ayaan ugu farax-sanahay, maxaa yeelay waxa ii tahay inaan hanto biladaan wax kaloo qiimo leh,” ayuu CR7, kusii dararay hadalkiisa.

Sikastaba, Ronaldo ayaa wuxuu ku guuleysanayay Jaa’izadaan sanadkii sano ee lasoo dhaafay, isagoona ku garaacay ciyaartoyda kala ah: Bernardo Silva, oo kooxda Manchester City ka tirsan iyo Goolhaye Rui Patricio, oo Sporting Lisbon udheela.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com