RASMI: Shaxdii Ugu Fiicneed Kulamadii Isbuucaan Ee UCL Oo Lasoo Saaray – Yaa Hogaaminaya?

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA, ayaa waxay soo saareen liiska 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiicneed kulamadii Isbuucan laga dheelay tartanka Champions League.

11-kaan ciyaaryahan ayaa waxaa laga soo kala xulay Sideed koox ee Isbuucaan ka dheelay wareega 16-ka, kuwaasoo afar kamid ah ay sideed dhamaadka ugudbeen.

Kooxihii Isbuucaan dheelay ayaa waxay kala ahaayeen AS Roma oo la dheeshay Shakhtar Donetsk, Man United oo qaabishay Sevilla, Bayern oo booqatay Besiktas iyo waliba Barcelona oo Camp Nou kusoo dhaweysay Chelsea.

Kooxaha kala ah: AS Roma, Sevilla, Bayern Munich iyo Barcelona ayaa waxay usoo baxeen wareega Sideed dhamaadka, halka kuwa kale ay iska hareen.

Shaxdii ugu fiicneed ayaa waxaa laga soo xulay sida muuqata ciyaartoydii ugu fiicneed Isbuucaan, waxaana xidigaha ugu badan ku leh Barcelona, iyadoona ay uga soo muuqdeen shaxdaan ku dhawaad Lix ciyaaryahan.

Waxaa laga soo qaadan karaa, Lionel Messi, Luis Suarez, Pique Alba iyo waliba Umtiti, iyadoona sida muuqata uu shaxda sidoo kale ku jiro Ben Yedder kaasoo Sevilla ka tirsan, islamarkaana lugtiisa ku reebay kooxda Manchester United.

Hoos Ka Arag Shaxda Oo Dhameystiran

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com