RASMI: Shaxdii Ugu Fiicneed Kulamadii Isbuucan Ee UCL Oo Lasoo Saaray & CR7 Oo Hogaaminaya

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA, ayaa waxay soo saareen shaxdii ugu fiicneed Isbuucaan ee tartanka Champions League kulamadii laga dheelay.

Kulamadii isbuucaan la dheelay ayaa waxay ahaayeen kuwa illaa iyo afar ah, waxayna ukala dhaxeeyeen: PSG-Real, Liverpool-Porto, Man City-Basel iyo Tottenham-Juventus.

Sideed kooxood ee wada dheelay ayaa waxaa usoo baxay wareega Sideed dhamaadka ee UCL afar kamid ah, kuwasoo kala ah: Real, Liverpool, Man City iyo Juventus

Hadaba, UEFA waxa kasoo xushay kulamadii ay wada dheeleen kooxahaan 11 ciyaaryahan, kuwaasoo ay ku sheegeyso inay yihiin kuwii ugu fiicnaa todobaadkan.

Waxaa hogaaminaya weerar yahanka Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo, kaasoo goolkii furitaanka dhaliyay kulankii ay Madrid dubatay PSG.

Hoos Ka Arag Shaxda Oo Dhameystiran:

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com