RASMI: Tottenham Oo Warbixin Caafimaad Kasoo Saartay Dhaawacii Kane + Mudada Uu Maqnan Doono

Kooxda kubada cagta Tottenham, ayaa waxay xaqijisay in ciyaaryahan Harry Kane uu garoomada ka maqnaan doono illaa bisha April ee sanadkaan, kadib dhaawac soo gaaray kulankii ay la dheeleen Isbuucaan dhigooda Bournemouth.

Laacibkaan udhashay wadanka Ingiriiska ayaa waxaa dhibaato ay kasoo gaartay dhanka Qoobka, iyadoona kulankaas garoonka uu ka baxay xili kooxdiisa ay dhamaadka ciyaarta soo baxday iyadoo guul weyn oo muhiim ah gaartay.

Bayaan kasoo baxay Tottenham ayaa waxaa daboolka looga qaaday in Tijaabooyin caafimaad oo laga qaaday Kane ay muujinayaa in dhaawaciisa uu yahay mid sahal ah, islamarkaana aysan jirin wax weyn oo soo gaaray ayna wali tijaabooyin uharsan yihiin.

Hadalkaan kasoo yeeray Spurs-ka ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo qaar kamid ah warbaahinada waa weyn ee wadanka England ay sheegayeen inuu Kane garoomada ka maqnaan doono ilaa iyo bisha May ee sanadkaan, laakiin ma aysan dhicin

Kane, ayaa wuxuu dhaliyay fasal ciyaareedkan kulamadii uu ka dheelay EPL 24 gool, wuxuuna kamid yahay utar-tamayaasha gooldhalinta horyaalka, laakiin ciyaaryahan Maxamed Saalax oo Liverpool ka tirsan ayaa kula dhegan oo min 24 gool ay wada leeyihiin

24-sano jirkaan ayaa wuxuu ka maqnaan doonaa kooxdiisa Lix kulan, kuwaasoo ay ka kala ciyaari doonan Premier League iyo hal kulan oo FA Cup-ka ah, waxaana ay la kala dheeli doonaa kulamadaas kooxaha kala ah:

  • Swansea (a) – Mar 17 – FA Cup
  • Chelsea (a) – April 1
  • Stoke (a) – April 7
  • Man City (h) – April 14
  • Brighton (a) – April 20
  • Watford (h) – April 30

Dhinaca kale, wuxuu ka maqnaan doonaa kulamada uu xulkiisa England dheeli doono, laakiin macalin qaranka UK, ninka lagu magacaabo Gareth Southgate, ayaa heli kara ciyaaryahano uu ku bedasho kuwasoo kala ah: Raheem Sterling iyo Jamie Vardy.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com