RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Xiddiga Ku Guulaystay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Todobaadkii Ugu Horeeyay Ee Champions League

Xiriirka kubada cagta UEFA ayaa si Rasmi ah u soo saaray xiddiga ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa ee todobaadkii ugu horeeyay ee tartanka champions league.

Waxa la ciyaaray kulamadii ugu horeeyay ee champiosn Leageu salaasadii iyo Arabacadii iyada oo la bilaabay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Abaalmarinta ayay ku tartamaayeen 4 xiddig oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib kuwaas oo kala ah Erling Braut Håland (Red Bull Salzburg), Angel Di María (PSG), Marc-André ter Stegen (Barcelona) iyo Mislav Oršić (Dinamo Zagreb).

UEFA ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in da,yarka kooxda Red Bull Salzburg ee Erling Braut Håland uu ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican champions League todobaadkan.

Erling Braut Håland ayaa dhaliyay saddexley kulankii ay kooxdiisu guusha weyn ka gaadhay kooxda reer Belguim ee Genk