RASMI: Valverde Oo Shaaciyay Liiska Xidigaha Uga Qeyb Galeysa Final Supercopa de Catalunya

Tababaraha kooxda kubada cagta Barcelona, ee Ernesto Valverde, ayaa wuxuu soo saaray liiska ciyaartoyda uga qeyb galeysa kooxdiisa ciyaarta Final-ka ah oo ay Berri oo Arbaco ah la balansan yihiin dhigooda Espanyol.

Koobkaan oo ah mid gaar ah gobolka gooni ugoosadka ah ee Catalonia, laakiin wali aanan xuriyad lehin, ayaa wuxuu usoo magacowday Valverde, ciyaaryahano aan kamid ah ahayn kuwa udheela tartamada oo waa weyn.

Laakiin, waxaa liiska lasoo saaray kasoo muuqday laacibka 105 Milyan oo Yuuroo ay uga soo iibsatay Bluagrana kooxda Jarmalka ka dhisan ee Dortmundee Dembele iyo sidoo kale Yerry Mina oo suuqii Janaayo yimid Camp Nou.

Wuxuu umuuqdaa maamulaha camaaliqada horyaalka dalka Spain, ee La Liga, mid nasiino siinaya ciyaartoydiisa waa weyn, maadaama tartan iyo loolan adag oo dhanka horyaalka iyo tartamo kale ay ku jiraan.

Sababta uu Osman Dembele, ugu soo daray Liiskaan ayaa waxaa loo malaynayaa inay tahay inuu doonayo in xidigaan uu lasii qabsado kooxda, maadaama dhawaan uu kasoo laabtay dhaawac, uuna Jirkiisa diyaarsaneen.

Sikastaba, ciyaarta Final-ka ah ee Barcelona iyo Espanyol, taasoo dhici doonta Arbacadda Berri ah, ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Camp d’Esports, waxaana laga daawan doonaa Geeska Afrika 20:30 oo Fiidnimo.

Hoos Ka Arag Liiska Ciyaartoyda Barca Oo Dhameystiran:

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com