RASMI: Valverde Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoyda Uga Qeyb Galeysa Kulanka Bilbao Ee La Liga

Tababaraha kooxda kubada cagta Barcelona, ninka lagu magacaabo Ernesto Valverdem ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda uga qeybgaleysa ciyaarta uu la dheeli doono maalinimada Berri oo Axada ah, naadiga Atletico Bilbao.

Kulanka labadaan kooxood, kaasoo ka tirsan horyaalka La Liga, ee wadanka Spain, ayaa waxaa uu ka dhici doonaa garoonka camaaliqada horyaalka wadanka Spain, kaasoo lagu magacaabo Camp Nou, islamarkaana ku yaala Gobolka Catalonia.

Ciyaartaan oo hadii uu ALLE raali ka noqdo warbixinadeeda aad kala socon doonto Shabakada wararka cayaaraha ee Laacib.so ayaa waxaa laga daawan doonaa marka ay saacadda Geeska Afrika soo dul istaagto 18:15 oo Maqribnimo.

Macalinka Bacelona ee Valverde ayaa wuxuu kulankaan usoo xushay inay ku metalaan Bluagrana ciyaaryahano ay kamid yihiin: Lionel Messi, Coutinho, Andres Iniesta, Osman Dembele, Gerard Pique , Jordi Alba iyo magacyo kale oo waa weyn

Laakiin, liiskaan waxaa nan kasoo muuqan Luis Suarez iyo Sergio Basquets, kuwaasoo dhaawaco iyo Ganaax uga kala maqan sida ay ukala horeeyaan, waxaana Basquets uu ku dhaawacmay kulankii Champions League, oo ay ka hortageen Chelsea.

Hoos Ka Arag Liiska Ciyaartoyda Barca Oo Dhameystiran:

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com