RASMI: Victor Moses Oo Kubiiray kooxda Fenerbahce

Kooxda Chelsea ayaa shaacisay in  Victor Moses uu qaab amaah ah ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedka  ugu biirayo dalka Turkey ee Fenerbahçe.

Naadiga Blues ayaa war rasmi ah ay soo daabacday waxay ku sheegtay:

“Victor Moses wuxuu qaab amaah ah ugu biiray Fenerbahçe ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan

“Waxaan u rajeeneynaa Victor Moses inuu noqdo ciyaartoyda ugu caansan uguna fiican kooxda, waxaan u rajeeneynaa inuu sii fiicnaado kadib heshiiska amaahda ee kooxda Fenerbahçe”.

Victor Moses ayaa yimid kooxda Chelsea 2012, wuxuuna kaga soo biiray kooxda Wigan, wuxuu si weyn kaga caawiyay Naadiga Blues inay ku guuleysato horyaalka Premier League xili ciyaareedkii 2016/2017, iyo koobka FA Cup 2018.

Victor Moses ayaa qaab amaah ah sidaan oo kale horey loogu siiyay kooxaha Liverpool, Stoke City iyo West Ham, kahor inta uusan door weyn ee muuqda ku yeelan tababaraha Chelsea ee Antonio Conte.

Image result for Victor Moses  Fenerbahçe.

Image result for Victor Moses  Fenerbahçe.

Image result for Victor Moses  Fenerbahçe.