Rasmi: Xiriirka Kubada Cagta Adduunka FIFA Oo Shaaciyay Wakhtiga & Goobta Lagu Qaban Doono Xaflada Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Sanadka 2018

Xiriirka Kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa si Rasmi ah u shaacisay wakhtiga iyo waliba meesha lagu qaban doono xaflada lagu dooran doono xiddiga ugu fiican adduunka 2018 ee “The Best”

Sida laga soo xigtay boga FIFA xaflada The Best ee lagu dooran doono xiddiga ugu fiican adduunka 2018 ayaa la qaban doonaa 24 bisha July

Xaflada ayaa lagu qaban doonaa caasimada dalka England ee London iyada oo halkaas lagu dooran doono xiddiga ugu fiican adduunka ee sanadkan aan ku jirno

waxaana xusid mudan in  xiddiga xulka Portugal iyo Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ku guulaystay abaalmarintii sanadkii hore oo lagu qabtay isla London

Image result for fifa best player award 2017

Ronaldo ayaa sanadkii hore abaalmarintan ku garaacay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo xiddiga reer Brazil ee Neymar oo markaas joogay kooxda Barcelona

Image result for fifa best player award messi ronaldo neymar