RASMI:Dhamaan Tartamada Kubada Cagta Qaarada Yurub Oo La Joojiyay kadib markii uu xanuunka Coronaviruska dilaacay

Waxa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in aan wax tartan ah laga ciyaari doonin wakhtiga soo socda kadib markii uu xanuunka Coronavirus ka dilaay qaarada yurub gaaray.

Xilli ciyaareedkan aya marayay meel gaba-gabo ku dhaw iyada oo ay kulamo yar ka hadhsanaayeen dhamaadka xilli ciyaareedka 2019/2020 dhamaan tartamada kala duwan ee yurub.

UEFA ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in la joojiyay tartamada Champions Leageu iyo Europa League xilli ciyaareedkan iyaga oo aan ilaa haatan sheegin wakhtiga dib loogu soo laaban doono tartanka.

Sidoo kale  horyaalada Premier League ayaa dhankiisa si Rasmi u xaqiijiyay in la joojiyay horyaalka premier League xilli ciyaareedakn iyada oo maamulka premier League sheegay in tartanka dib loo bilaabi doono sabtida kuna beegan 4 bisha April ee bisha dambe.

Waxa intaas sii dheer in aan la ciyaari doonin tartamada kale ee England ee Sida Championship-ka, FA Cup iyo dhamaan heerarka kala duwan ee dalka England.

Dhanka horyaalka La Liga waxa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in aan la ciyaari doonin tartanka La Liga wakhtiga soo socda inkasta oo ayna wali wax wakhti ah oo la soo laaban doono aan loo qaban.

Horyaalada Serie A-da, Ligue 1, Bundesliga iyo dhamaan tartamada yurub ee kale ee horyaalada iyo koobabka ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay iyada oo aan wali la shaacin wakhti ay soo laaban doonaan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com