RASMI:Horyaalka Serie A-da ayaa Rasmi ah Loo xaqiijiyay inuu dib u bilaabi doono

Madaxda sare ee Horyaalka Serie A-da ayaa warbixin Rasmi ah ku xaqiijiyay in horyaalka dib loo bilaabi doono 13 bisha June ee soo socota kadib markii tartanka la joojiyay ilaa bishii March.

Kooxaha 20-ka ah ee Serie A-da ayaa qaatay shirkii ugu dambeeyay iyaga oo si Rasmi ah isugu raacay in la ciyaaro horyaalka 13 bisha June ee soo socota.

Isla Shirka ayaa lagu ogolaaday in xilli ciyaareedka dib loogu bilaabo kualamadii todobaadka 25-aad ee la baajiyay bishii March ka hor inta aan horay loo sii wadan xilli ciyaareedka.

Waxa go’aanka kama dambaysta ah la qaadan doonaa Maalinta jimcaha marka uu wasiirka ciyaaruhu si Rasmi ah ogolaansho u siin doono kooxaha in ay bilowdaan ciyaarista horyaalka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com