RASMI:Juventus ayaa tababare Cusub Yeelaneysa xagaaga dambe kadib markii ay ku dhawaaqday Alegri inuu ka tagayo kooxda

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa xaqiijisay goordhow in macallin Massimiliano Allegri uu ka tagi doono dhammaadka xilli ciyaareedkan kaddib markii uu kula guuleystay 11 koob muddo shan sanadood ah oo uu la joogay.

Juventus waxa ay bayaan ka soo baxay ku xaqiijisay in Massimiliano Allegri uusan sii ahaan doonin tababarahooda xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20.

Shir jaraa’id ayay qaban doonaan Allegri iyo maamulka kooxda Juve berri ka hor kulankooda ugu dambeeya horyaalka Serie A oo ay Axadda wajahayaan kooxda Atalanta.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in heshiiska tababarahan la baabi’iyey, iyadoo qandaraaska uu kooxda kula jiray uu ku ekaa illaa 30 bisha June sanadka 2020-ka.

Massimiliano Allegri ma soo fariisan doono kursiga keydka Juventus xilli ciyaareedka 2019-20” ayuu u dhignaa bayaanka ka soo baxay Juve ee lagu qoray website-ka kooxda.

Macallinka iyo Madaxweyne Andrea Agnelli ayaa warbaahinta si wadajir ah shir jaraa’id ugu qaban doona berrito, Sabti 18-ka bisha May, marka ay saacadda gudaha dalku tahay 2.00 duhurnnimo waxayna ku qaban doonaan shirkaas garoonka Allianz.

Allegri ayaa Bianconeri ku sugnaa shan xilli ciyaareed, waxaana uu kula guuleystay shan horyaalka Serie A oo xiriir ah, isagoo guud ahaan la qaaday 11 koob, gaarsiiyeyna labo goor final-ka Champions League.